Xarunta RAAD iyo Raven Law Firm oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi
Xarunta cilmibaadhista iyo horumarinta aqoonta ee RAAD Research and Development Center ayaa magaalada Hargeysa kula saxeexatay heshiis wada-shaqayneed oo rasmi ah shirkadda Raven Law Firm, heshiiskaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada cilmibaadhista, wacyigelinta sharciga iyo horumarinta aqoonta bulshada. Heshiiskan ayaa salka ku haya iskaashi muddo hal sano ah socon doona, iyadoo labada dhinac ay ka wada shaqayn doonaan qabashada tababarro sharciga ah, diyaarinta madallo lagu falanqeeyo arrimaha sharciga, iyo koru–qaadista fahanka bulshada ee nidaamka iyo dhaqanka sharciyeed.
Sidoo kale, Raven Law Firm ayaa taageero sharci iyo talabixin siin doonta xarunta RAAD, gaar ahaan dhinacyada qorista siyaasadaha, heshiisyada, iyo cilmibaadhisyada la xidhiidha arrimaha sharciga. Dhanka kale, RAAD ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta diyaarinta, fududaynta, iyo agaasinka barnaamijyada iyo tababarrada wadajirka ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay ilaalinta xogaha iyo dukumentiyada wadaagga ah, iyadoo heshiisku ku dhisan yahay wada-faa’iidaysi, hufnaan, iyo xoojinta horumarka bulshada.
Iskaashigan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada ay xarunta RAAD ku ballaadhinayso xidhiidhada istiraatiijiga ah ee la xidhiidha horumarinta aqoonta, cilmibaadhista, iyo adeegyada bulshada, si loo abuuro bulsho leh fahan sharci iyo aqoon waarta.
Maamulka xarunta RAAD ayaa sheegay in wada-shaqayntani tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka xaruntu ku leedahay horumarinta aqoonta iyo kobcinta cilmibaadhista bulshada.
