Home / Publications / Xarunta RAAD waxa ay qabatay Dood Cilmiyeed ku...
Publication

Xarunta RAAD waxa ay qabatay Dood Cilmiyeed ku Saabsan “Hal-abuurka Maaliyadeed iyo  Isdhexgalka Dhaqaale/ Innovative Finance and Economic Inclusion” 

Xarunta RAAD waxa ay qabatay Dood Cilmiyeed ku Saabsan “Hal-abuurka Maaliyadeed iyo   Isdhexgalka Dhaqaale/ Innovative Finance and Economic Inclusion” 

Hargeisa | 24 October 2025

Iyada oo qayb ka ah dadaallada isdaba-joogga ah ee Xarunta RAAD ee Cilmi-baadhista iyo Horumarinta (RAAD Research and Development Center) ay ku dhiirrigelinayso baadhitaannada aqooneede iyo horumarinta bulshada ee ku qotonta ka salgaadhka ka hor xal baadhka, waxa ay xaruntu martigelisay dood cilmiyeed muhiim ah oo lagu soo bandhigayay daraasad dhawaan soo baxday. Daraasaddan oo cinwaankeedu ahaa “Innovative Finance and Economic Inclusion” (Hal-abuur Maaliyadeed iyo Isdhexgal Dhaqaale), waxa diyaarisay soona bandhigtay aqoonyahanad Muna Bile Xirsi

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, cilmi-baadhayaal iyo khubaro xiiseeya arrimaha horumarka iyo dhaqaalaha Islaamiga ah ee Somaliland.

Dulucda iyo Muhiimadda Daraasadda

Daraasaddan ay soo jeedisay Qoraa Muna Bile, waxa ay diiradda saartay kaalinta weyn ee ay Sakadu ka ciyaari karto sidii nidaam maaliyadeed oo Islaami ah, hal-abuur leh, isla markaana awood u leh inuu kor u qaado fursadaha dhaqaale iyo isdhexgalka maaliyadeed ee bulshooyinka danyarta ah, loo heli lahaa, loona hirgalin lahaa.

Daraasaddu waxay si gaar ah baadhitaan ugu sameysay xaaladda saddex gobol oo kala ah: Saaxil, Maroodi Jeex iyo Togdheer, iyada oo u kuurgashay qaabka hadda loo bixiyo Sakada iyo inta ay le’eg tahay wax-tarkeeda ku aaddan dhimista saboolnimada.

Natiijooyinka ugu muhiimsan: Caqabadaha Maamulka iyo Hufnaanta

Intii ay socotay soo-bandhigista daraasadda, waxa ay cilmi-baadhuhu iftiimisay xaqiiqooyin iyo xogo muhiim ah oo laga soo ururiyay goobihii baadhitaanka, kuwaas oo kala ah:

  • Bixinta shakhsiga ah iyo maqnaanshaha nidaam dhexe: Xogta Cilmi-baadhistu waxa ay muujisay in inta badan dadka ku nool gobolladaas ay u bixiyaan Sakada si shaqsi ah oo toos ah, iyadoo aanay jirin hay’ad dhexe oo nidaamisa ama isku dubaridda ururinta iyo qaybinta.
  • Yaraanta waxtarka horumarineed: Kala firdhinta hantida Sakada iyo u qaybinta si shakhsi ahi, waxa ay si weyn u yareynaysaa saameyntii waari lahayd ee Sakadu ku yeelan lahayd cidhibtirka saboolnimada. Waxa ay sidoo kale caqabad ku tahay in lacagahaas loo beddelo mashaariic wax-soo-saar oo bulshada si guud ugu hagta waddada baahida lagaga bixi karo.
  • Maamulka iyo daahfurnaanta: Daraasaddu waxay xustay daciifnimada nidaamyada maamul ee hadda jira, waxa ay sidoo kale hoosta ka xarriiqday maqnaanshaha hufnaanta, taas oo mararka badan wiiqda, kalsoonida ay dadka hantida leh ku qabi karaan nidaamyada hadda shaqeeya.

Gunaanad iyo Talooyin: Dhanka Dhismaha Hay’ad Qaran oo Sakada ah

Ka dib markii ay dhammaatay soo-bandhigistu, waxaa la furay madal su’aalo iyo falanqayn ah oo ay kaqaybgalayaashu ku kobciyeen mawduuca. Qoraa Muna Bile waxay gabagabadii xustay, hoostana ka xariiqday talooyinka ugu muhiimsan ee daraasaddan laga dhaxli karo, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Dhisidda Hay’ad Qaran oo Madaxbannaan: In la aasaaso hay’ad qaran oo madaxbannaan oo Sakada u maamusha si daahfuran, nidaamsan, isla markaana adeegsata tignoolajiyadda casriga ah, si loo kasbado kalsoonida dadka bixiya Sakada.
  2. Maalgelinta Mashaariicda Wax-soo-saarka: In loo baddalo nidaamka Sakada mid lagu taageerayo mashaariic yaryar oo wax-soo-saar leh (sida maalgelinta reer miyiga iyo beeraha) si loo gaadho isdhexgal dhaqaale oo waara, halkii laga eegi lahaa keliya kaalmada lacageed ee kumeelgaadhka ah.
  3. Baahinta Maamulka (Decentralization): In laga faa’iideysto dadaallada maxalliga ah iyo kuwa bulshada si loo xaqiijiyo qaybintooda caddaalad ku dhisan. Isla markaana la gaadho dadka nugul ee ku nool miyiyada iyo deegaannada fogfog.