Home / Publications / Xarunta RAAD oo qabatay Workshop ku Saabsan Habraaca...
Publication

Xarunta RAAD oo qabatay Workshop ku Saabsan Habraaca Cilmi-baadhista: Qorsheyn ilaa Faafin

Xarunta RAAD oo qabatay Workshop ku Saabsan Habraaca Cilmi-baadhista: Qorsheyn ilaa Faafin

Hargeisa | 11 Febraayo 2026

Magaalada Hargeisa, gaar ahaan Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta ee RAAD, waxaa taariikhdu marka ay ahayd 11 Febraayo 2026 ka qabsoomay tabobar hal maalin ahaa oo cinwaankiisu ahaa “Habraaca Cilmi-baadhista: Qorsheynta ilaa faafinta”.

Tabobarkan oo ay ka qaybgaleen aqoonyahanno iyo cilmi-baadhayaal, waxa hoggaaminayay Dr. Mohamed Sulub (Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeisa).

Ujeeddada isku-keenidda ka qaybgalayaashan kala duwan ee isugu jiray ardayda heerka sare, macallimiinta jaamacadaha, iyo khubaro ka tirsan dawladda iyo hay’adaha, waxa ay ahayd in la kobciyo xirfadaha Cilmi-baadhista iyo daraasaynta.

Maxaa xoogga la saaray kulankan intii uu socday?

Muddadii uu tabobarku socday, Dr. Mohamed Sulub waxa uu si qoto dheer u iftiimiyay meertada guud ee cilmi-baadhista.

Waxa diiradda la saaray fanka naqshadaynta cilmi-baadhista iyo xulashada hab-raacyada ku habboon, maareynta iyo falanqaynta xogta, ilaalinta anshaxa iyo hufnaanta iyo qaabka loo qoro maqaaladda sayniska.

Waxaa si gaar ah loo dhex-galay muhiimadda ay leedahay in la koobo farqiga iyo masaafada u dhaxeysa natiijada cilmi-baadhista iyo dhaqangelinteeda rasmiga ah ee bulshada dhexdeeda.