Home / Publications / Awoodda Baraha Bulshada – Kamaal Marjaan
Publication

Awoodda Baraha Bulshada – Kamaal Marjaan

Awoodda Baraha Bulshada – Kamaal Marjaan

 Awoodda Baraha Bulshada – Kamaal Marjaan

Baraha bulshadu maanta waxay ka mid yihiin awoodaha ugu waaweyn ee saamaynta ku leh nolosha shakhsiyaadka, bulshooyinka, iyo guud ahaan qaramada. Waa goob dadku ku xidhiidhaan, macluumaadka ku kala qaataan, fikradahooda ku wadaagaan, ganacsigoodana ku kordhiyaan.

Barnaamijkan oo ay soo agaasintay xarunta Cilmibaadhista iyo Horumarinta Aqoonta ee RAAD wuxuu ka koobnaa saddex qaybood oo waaweyn. Qaybta koowaadi waxay diiradda saaraysay fahanka awoodda baraha bulshada, sida, ku faafinta degdegga ah ee xogta iyo saamaynta ay ku leeyihiin ra’yiga dadweynaha iyo isku xidhka dadka ka kala yimaadda goobo kala duwan. Qaybta labaadi waxay ka hadlaysay saamaynta togan iyo ta taban ee ay baraha bulshadu ku yeelan karto bulshada, faafinta been abuurka. Qaybta saddexaadina waxay soo jeedinaysaa qaab loo xakameyn karo saamaynta taban iyada oo la adeegsanayo tababbar, wacyigelin, iyo lasocod joogto ah.

Intii lagu gudo jiray barnaamijka, Ustaad Kamaal Marjaan wuxuu soo bandhigay daraasado muhiim ah oo laga sameeyey dhibaatooyinka ka dhashay awoodda baahsan ee baraha bulshada, ha noqo dhibaato bulsheed iyo mid caafimaadbee.

Gabagabadii, barnaamijka uu soo jeediyay Ustaad Kamaal Marjaan wuxuu ahaa mid waqtigiisii yimid, waana mid si toos ah uga jawaabaya caqabadaha ka dhashay adeegsiga maalin kasta sii kordhaya ee  isticmaalka baraha bulshada.