Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aqonta ee (RAAD) ayaa si rasmi ah u qabtay barnaamij aqooneed lagu falanqeeyay buugga Mugga Maamul Wanaagga, kaas oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanno, dhalinyaro, cilmi-baadhayaal, iyo xubno kala duwan oo bulshada ka tirsan. Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada xaruntu ku xoojinayso kobcinta aqoonta, doodaha bulshada, iyo fahamka arrimaha maamulka iyo hoggaaminta.
Fadhiga ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda maamul wanaaggu u leeyahay dhismaha hay’ado hufan iyo horumarka bulshada. Intii uu socday barnaamijku, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay aragtiyaha iyo qodobada muhiimka ah ee uu xambaarsan yahay buuggu, iyadoo la is dhaafsaday fikrado la xidhiidha maamulka, isla xisaabtanka, hoggaaminta wanaagsan, iyo doorka bulshada ee horumarka.
Barnaamijka waxaa ka hadlay falanqeeyayaal iyo aqoonyahanno kala duwan oo ay kamid ahaayeen Cabdisamad Xasan Maxamed (C. Sayid), Ridwaan Maxamed Ismaaciil, Cabdixamiid Maxamed Jaamac, iyo Maxamed-Wardi Haaruun Ibraahim. Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen aragtiyo iyo falanqayn ku saabsan sida fikradaha buugga loogu dabaqi karo xaaladaha dhabta ah ee bulshada iyo hay’adaha bulsheed.
Sidoo kale goobta falanqaynta buuggu ka socotay waxa lagu soo bandhigay nuqullo kamid ah buugga, si qofkii ubaahani u heli karo ama u iibsan karo.
