Home / Publications / Kulankii RAAD iyo Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale
Publication

Kulankii RAAD iyo Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale

Kulankii RAAD iyo Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale

Kulankii RAAD iyo Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale

Xarunta Cilmibaadhista iyo Horumarinta Aqoonta ee RAAD waxay habeenkii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 30/08/2025 qabatay kulan aqooneed ballaadhan oo ciwaankiisu ahaa “Wada-sheekaysi iyo Isweydaarsi Waayo-aragnimo”. Kulankani wuxuu ahaa mid si gaar ah loogu talagalay isku xidhka tagtada iyo timaaddada, iyada oo madashaas lagu qaadaadhigay kayd aqooneed iyo mid dhaqan oo baaxad leh, martina uu ku ahaa qoraaga iyo cilmibaadhaha weyn ee Axmed Ibraahim Cawaale.

Ustaad Axmed Ibraahin Cawaale wuxuu bilowgii kulanka si furan uga sheekeeyey waayihiisii nololeed, dedaalkii dheeraa ee uu u soo galay arrimaha adeegga bulshada, iyo jidkii adkaa ee uu u soo maray qoraalka dhiganayaashiisa kala duwan. Qoraagu wuxuu si gaar ah u dul istaagay taariikhdii iyo halgankii ka dambeeyey ururka deegaanka ee Candlelight.

Wada-sheekaysiga dhexdiisa, qoraagu wuxuu si xeeldheer u lafaguray hannaankii istaageeradda bulsho ee soo jireenka ahaa ee Soomaalida dhexdeeda ka jiri jirtay, isagoo tusaale u soo qaatay eraybixinno fac weyn oo ka tarjumaya iskafaalaqaadka iyo garab-istaagga dabiiciga ah, sida qaraamaadka, martisoorka, irmaansiga, kaalada, tabantaabada, iyo dhibaadka. Qoraagu wuxuu tilmaamay in hannaankaa iscaawinta ahi uu ahaa mid bulshadu ku xalliso dhibaatooyinka ku xeeran qaar ka mid ah iyada oo aan loo baahan gacan dibaddeed, inkastoo meelaha qaar ay ku dhisnaayeen ehelnimo iyo tollaysi, haddana, nidaamyo kale oo badan, sida, sooryada iyo qaraamaadku waxay ahaayeen kuwo danta guud u adeegga oo gabi ahaanba ka madax-bannaan qabiilka.

Ustaad Axmed ayaa isku-xidh cilmiyaysan ku sameeyay nolosha maanta iyo saamaynta ay ku yeelatay hannaankii dabiiciga ahaa ee ay u qaabaysnayd nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaalidu. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay qodobbada isbeddelka taban ku yeeshay nolosha, kuwaas oo kala ah soogelidda haayadaha caalamiga ah ee NGOs-ka, magaalawga baahsan, iyo saamaynta baraha bulshada. Isbeddelladan ayuu qoraagu ku tilmaamay inay meesha ka saareen qodobbadii isku-tashiga, iyada oo ay beddeshay nolosha hadda ina ragaadisay ee gacan-hoorsashada iyo kutiirsanaanta kaalmooyinka dibadda, taas oo gaadhay heer ay dadku dareemaan in aanay kaligood waxba qabsan karin.

Kulanka qaybtiisii dambe waxaa loo furay aqoonyahankii ka soo qaybgalay si ay u weydiiyaanqoraaga su-aalo furan oo si toos ah ama si dadban ula xidhiidha mawduuca. Weydiimahaas oo u badnaa falanqayn, waxay taabanayeen sirta jiraalka dheer ee Candlelight, faahfaahinta qaar ka mid ah dhiganayaashiisa, aqoontiisa dhirta ee durugsan iyo qaabkii ay ku timid iyo saamaynta degaanka. Ustaad Axmed ayaa ka jawaabista weydiimahaas kaddib madasha kaga dhawaaqay bushaaro weyn oo ah inuu dhammaystiray “Qaamuuska Dhirta Soomaalida” oo uu qoray, kaas oo koobsanaya laba kun iyo shan boqol oo geed, noqon doonana kayd iyo tixraac anfac badan u yeesha bulshada iyo jiilasha soo socda.

Ugu dambayntii, qoraagu wuxuu dhallinyarada xiisaysa qoraalka u soo jeediyey talooyin dhaxalgal ah, isagoo ku dhiirrigeliyey inay ka faa’idaystaan inta ay xammaasaddu ku jirto, laakiin ay shardi tahay inay mawduuca si qoto dheer u diraaseeyaan ka hor intaanay qoraalka bilaabin. Wuxuu sidoo kale la wadaagay dadweynihii madasha fadhiyey sirta u sahashay inuu hawlo badan oo kala duwan isku mar wada maamulo, isagoo ku soo koobay maaraynta waqtiga, faduulnimada ama wax-baadhista joogtada ah, iyo inaan marnaba natiijada shaqada la degdegsanee loo samro midhaha. Kulankani wuxuu ka mid ahaa kulamada furan ee Xarunta RAAD ugu talagashay waxkubiirinta wacyiga bulshada, iyadoo lagu casuumayo khubarada baaca aqooneed iyo waayo-aragnimada weyn u leh qaybaha kala duwan ee nolosha, si khibraddoodu ugu noqotodhallinyarada iyo bulshada kalaba toosh ay ku iftiinsadaan dariiqa aqoonta iyo ogaalka.