Home / Publications / Xarunta RAAD Research and Development Center iyo Raven...
Publication

Xarunta RAAD Research and Development Center iyo Raven Law Firm oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi

Xarunta RAAD Research and Development Center iyo Raven Law Firm oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi

Xarunta cilmi-baadhista iyo horumarinta aqoonta ee RAAD Research and Development Center ayaa magaalada Hargeisa ku saxeexday heshiis wada-shaqayneed oo rasmi ah shirkadda Raven Law Firm, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada cilmi-baadhista, wacyigelinta sharciga, iyo horumarinta aqoonta bulshada. Heshiiskan ayaa salka ku haya iskaashi muddo hal sano ah socon doona, iyadoo labada dhinac ay ka wada shaqayn doonaan qabashada tababaro sharci, diyaarinta madallo lagu falanqeeyo arrimaha sharciga, iyo kor u qaadista fahamka bulshada ee nidaamka iyo dhaqanka sharciyeed.

Sidoo kale, Raven Law Firm ayaa taageero sharci iyo talo-bixin siin doonta RAAD Research and Development Center, gaar ahaan dhinacyada qorista siyaasadaha, heshiisyada, iyo cilmi-baadhisyada la xidhiidha arrimaha sharciga. Dhanka kale, RAAD ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta diyaarinta, fududaynta, iyo agaasinka barnaamijyada iyo tababarada wadajirka ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay ilaalinta xogaha iyo dukumentiyada wadaagga ah, iyadoo heshiisku ku dhisan yahay wada-faa’iidaysi, hufnaan, iyo xoojinta horumarka bulshada.

Iskaashigan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada ay RAAD Research and Development Center ku ballaadhinayso xidhiidhada istiraatiijiga ah ee la xidhiidha horumarinta aqoonta, cilmi-baadhista, iyo adeegyada bulshada, si loo abuuro bulsho leh faham sharci iyo aqoon waarta.

RAAD Center Event

Maamulka RAAD Research and Development Center ayaa sheegay in wada-shaqayntani tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka xaruntu ku leedahay horumarinta aqoonta iyo kobcinta cilmi-baadhista bulshada.