Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aqoonta ee RAAD
(Research and Academic Development Center) waxay si guul ah kusoo afmeertay
barnaamijkii “RAAD iyo Ramadaan”. Barnaamijkan oo ahaa mid loogu talagalay
kor u qaadista garaadka, aqoonta, ganacsiga iyo dooda bulshada ee dhinacyada
kala duwan, ayaa noqday mid si weyn looga dhex muuqday bishan barakaysan,
isaga oo isku xidhay aqoonyahanno, culimo, iyo dhalinyaro kala duwan.
Barnaamijka RAAD iyo Ramadaan ayaa si rasmi ah u bilaabmay 13-kii bisha
Ramadaan (oo ku beegnayd Isniin, 2-da March), wuxuuna socday ilaa 28-kii
Ramadaan (17-kii March). Mudadaas 18-ka cisho ah, xaruntu waxay martigelisay
11 kulan oo aqooneed oo ay hagayeen khubaro aqoon u leh mawaadiicda ay soo
gudbinayeen.
Barnaamijkan waxa soo xaraystay inay ka qayb galaan ku dhawaad 300 qof,
kala saaris iyo kala hufid ka dibna waxa ku guulaystay inay ka qayb galaan
28 qof, iyadoo dadkii aan nasiibka u helin inay ka qayb galaan ay kala socdeen
baraha bulshada ee xarunta RAAD, taas oo sii labanlaabtay faafitaanka
barnaamijka.
Intii uu socday barnaamijka RAAD iyo Ramadaan waxa lagusoo gudbiyay mawaadiic
kala duwan balse hal jiho u wada socda, waxaana kamid ahaa:
-
Ganacsiga iyo Is-maamulka:
Sida Buraale uu u soo bandhigay habka suuqa loo galo iyo sida looga bixi
karo isku dhex yaaca fikirka (Tashatut al Fikri) oo uu soo jeediyey
Sh. Badeed. -
Khibrad-wadaag:
La fadhiisiga dad tijaabooyin nololeed soo maray sida
Sh. Cismaan Cali Rakuub iyo Cabdiqani (Mulkiilaha Gob Store). -
Tiknoolajiyadda iyo Suugaanta:
Hubinta xogaha baraha bulshada oo uu hoggaaminayey Aadam Haybe iyo
furfurista maansada Daba-huwan oo uu soo bandhigay
Sh. Maxamed Haaruun. -
Cilmi-nafsiga iyo Siyaasadda:
Cilmiga nafsiga bulshada (C. Salaam Askar) iyo falsafadda Islaamku ka
leeyahay siyaasadda (Sh. Badeed).
Si loo soo afjaro guushii laga gaadhay barnaamijka, xarunta RAAD waxay
qabatay xaflad ballaadhan oo ka dhacday Hotel Saravor ee magaalada Hargeisa.
Xafladda waxa goob-joog ahaa:
- Maamulka sare ee xarunta RAAD.
- Xubno ka tirsan Boodhka xarunta.
- Aqoonyahannadii casharrada bixinayey iyo marti sharaf kale.
Intii ay xafladdu socotay, waxa si gaar ah loo maamuusay oo abaal-marino
la guddoonsiiyey labadii xubnood ee ugu firfircoonaa ka qaybgalayaashii
barnaamijka, kuwaas oo muujiyey dadaal, hal-abuur, iyo ka qaybqaadasho
mug leh muddadii uu barnaamijku socday.
Ugu dambayntii, barnaamijka “RAAD iyo Ramadaan” wuxuu tusaale u noqday sida
looga faa’iidaysto bilaha barakaysan dhinaca aqoonta iyo horumarinta
wacyiga bulshada. Xarunta RAAD ayaa sii wadi doonta dedaallada noocan ah ee
lagu kobcinayo aqoonta iyo garaadka bulshada.
