Home / Publications / Dhallinta iyo Isudhigga Nolosha
Publication

Dhallinta iyo Isudhigga Nolosha

Dhallinta iyo Isudhigga Nolosha

Nolosha iyo barbaartu waxay leeyihiin ballan ay wada galeen, haddii aanu qaddarku baajin. Ballankaas nuxurkiisu waa in ay iswaafaqaan oo isdhammaystiraan ka hor inta aanu midkood ka kale ka dhaqaaqin. Inta ay isla socdaanna waxa u dhexeeya loollan iyo legdan aan nasasho lahayn.

Habeen kasta oo dumaya iyo waa’ kasta oo soo beryayaba waxa dhasha waajib cusub oo daba socda waajibkii ka horreeyey, iyada oo waajib kasta uu mid kale dhalinayo. Inta ay dhallinyaradu ku jirto socdaalka halganka nolosha, waxay sidataa weel madhan oo ay hadba waaya-aragnimo cusub si kedis ah ugu soo dhacayso.

Waxa habboonaan lahayd in bulshada dhexdeeda ay ka jiraan xarumo ama golayaal maskaxeed oo lagu ururiyo khibradaha iyo tijaabooyinka nolosha, si dhallintu uga faa’iidaysato waaya-aragnimada kuwii ka horreeyey, halkii qof walba keligiis uga mari lahaa jidkii tijaabada iyo qaladka.

Sidaa darteed, si aanay dhallinyaradu ugu dhex hafan buuqa iyo jahawareerka nolosha, waxa habboon inay gacanta ku haystaan xantoobo talooyin iyo waaya-aragnimo u noqon kara hagaha mustaqbalkooda.

Qoraalkan kooban waxa aan ugu talo galay in aan dhismaha iyo kobcinta barbaarta ku darsado aragtiyo laga yaabo inay meel ka buuxiyaan baahidaas. Waxa aan ku soo qaadan doonaa shan qodob. Haddaba, qodobka koowaad waa:

1. XIDHIIDHKA

Aadamuhu waa noole bulsheed; kaligii isma bixiyo, garab iyo xidhiidhna kama maarmo.

Kuma galo adduunyada
Ninna gooni socodkee.

Sidaas ayuu abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku cabbiray xaqiiqada ah in bani’aadamku u baahan yahay dadka kale.

Inta aynu nool nahay waxaynu u baahannahay xidhiidho kala duwan oo leh mudnaan kala geddisan, kuwaas oo nolosha u yeela macne, miisaan iyo jihayn. Si xidhiidhku u noqdo mid guulaysta, waxa ugu horreeyaa waa in la fahmo sababta uu u jiro.

➢ Fahanka xidhiidhka
Marka hore iswaydii: xidhiidhkani ma yahay mid iskii u samaysmay, mise waa mid aan anigu doortay oo aan sameeyey?

Xidhiidhka ehelka iyo qaraabadu waa xidhiidh aanad adigu samayn. Door kuma lihid cidda waalidkaa, walaalahaa, adeerradaa ama abtiyaashaa noqotay. Sidaas darteed, jiritaankiisa doodi kama furna, waxa lagaa doonayaa waa sidii aad u maareynayso.

Xidhiidhada noocan ahi waxay leeyihiin xuquuq diin iyo dhaqanba ku salaysan. Waa xidhiidho aan habboonayn in lagu mutaysto ceeb ama canaan. Inta badan, xidhiidhka qaraabadu ma baaba’ee wuxuu noqdaa imtixaan lagu eegayo sida qofku u maareeyo masuuliyadaha xidhiidhka.

Waalid, walaal, adeer iyo abti midna adigu maad dooran, haddana inta xididku idin hayo waad isku xidhan tihiin. Sida aad ula dhaqanto dadkaas ayaa inta badan tilmaamaysa sida aad ula dhaqmi doonto dadka kale ee aad adigu doorato.

Waxa jirta maahmaah odhanaysa:

“Nin hooyadii qadiyay, habaryartii ma waraabiyo.”

Macnaheedu waa in qofka ku guuldarraysta ilaalinta xidhiidhada ugu dhow ay adkaanayso inuu si wanaagsan u ilaaliyo xidhiidhada uu isagu samaystay.

Dhanka kale, haddii xidhiidhku yahay mid aad adigu dooratay, masuuliyaddiisu way ka duwan tahay tii hore. Waa in aad si cad u garanayso sababta uu xidhiidhkaasi kuugu leeyahay qiime.

Xidhiidh kasta oo aad samaysato waa inuu ku salaysnaadaa baahi ama ujeeddo cad. Waa inuu ka mid noqdaa waaxaha nolosha ee aad doonayso inaad horumar ka samayso. Waxa laga yaabaa inuu noqdo xidhiidh aad wax ku baranayso ama wax ku barayso, mid talawadaag ah, mid shaqo, mid ganacsi, ama xataa mid maaweelo iyo madadaalo.

Marka sababtu caddahay, waxa meesha ka baxaya xidhiidho aan macne lahayn oo waqtiga kaa luminaya. Dabcan, mararka qaarkood waad la kulmi kartaa ama waqti la qaadan kartaa dad aanad qorshaynayn xidhiidh dheer inaad la samayso, sababo macquul ah awgood, sida deris hore, saaxiib hore ama qof dan gaar ahi isu kiin keentay. Taasi dhib ma leh. Waxa muhiimka ahi waa in xidhiidhada waaweyn ee noloshaadu yeeshaan ujeeddo iyo macne.

Fahamka nooca iyo ujeeddada xidhiidhku waxa uu qofka ka caawiyaa:

1. Inuu kala hormariyo xidhiidhada isaga oo eegaya sida ay u kala muhiimsan yihiin.
2. Inuu iska ilaaliyo dabacsanaan iyo is-illow siin karta in xidhiidh kasta la simo.
3. Inuu kala garto goorta uu xidhiidh kasta u baahan yahay iyo sababta uu ugu baahan yahay.
Ugu dambayn, xidhiidhadu ma aha oo keliya kuwo lagu gaadho dano qofeed. Waxa aynu sidoo kale abuuri karnaa xidhiidho wadareed oo ku dhisan himilooyin ka weyn qofka keliya. Waxa la dhisi karaa guddiyo horumarineed, kooxo iskaashi iyo shabakado bulshada isku xidha, kuwaas oo istaageera, is-horumariya, bulshada wax ku soo kordhiya, qof kastana ka dhiga xubin firfircoon oo ka shaqaysa isku haynta iyo horumarka bulshada.