Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aqoonta ee RAAD waxay habeenkii Sabtidaahaa ee ay taariikhdu ahayd 30/08/2025 qabatay kulan aqooneed ballaadhan oo ciwaankiisu ahaa “Wada-sheekaysi iyo Waayo-aragnimo Is-weydaarsi”. Kulankani waxa uu ahaa mid si gaar ah loogu talagalay isku xidhka tagtada iyo timaadada, iyada oo madashaas lagu qaadaa-dhigay kayd aqooneed iyo mid dhaqan oo baaxad leh, martina uu ku ahaa qoraaga iyo cilmi-baadhaha weyn ee Ustaad Axmed Ibraahim Cawaale.
Ustaad Axmed Ibraahim Cawaale waxa uu bilowgii kulanka si furan uga sheekeeyey waayihiisii nololeed, dedaalkii dheeraa ee uu u soo galay arrimaha adeegga bulshada, iyo jidkii adkaa ee uu u maray qoraalka dhiganayaashiisa kala duwan. Qoraagu waxa uu si gaar ah u dul istaagay taariikhdii iyo halgankii ka dambeeyey ururka deegaanka ee Candlelight.
Wada-sheekaysiga dhexdiisa, qoraagu waxa uu si xeeldheer u lafaguray hannaankii is-taageerada bulsho ee soo jireenka ahayd ee Soomaalida dhexdeeda ka jiri jirtay, isagoo tusaale u soo qaatay eray-bixinno fac weyn oo ka tarjumaya is-kafaala–qaadka iyo garab-istaagga dabiiciga ah sida qaraamaadka, marti-soorka, irmaansiga, kaalada, tabantaabada, iyo dhibaadka. Qoraagu waxa uu tilmaamay in hannaankaas is-caawinta ahi uu ahaa mid bulshadu ku xalliso dhibaatooyinka ku xeeran qaar ka mid ah iyada oo aan loo baahan gacan dibaddeed, inkastoo meelaha qaar ay ku dhisnaayeen ehelnimo iyo qabiil, haddana nidaamyo kale oo badan sida sooryada iyo qaraamaadku ay ahaayeen kuwo danta guud u adeega oo gabi ahaanba ka madax-bannaan qabiilka.
Ustaad Axmed ayaa ka dib isku-xidh cilmiyaysan ku sameeyay nolosha maanta iyo saamaynta ay ku yeelatay hannaankii dabiiciga ahaa ee ay u qaabaysnayd nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay qodobada isbeddelka taban ku yeeshay noloshaas, kuwaas oo kala ah soo-gelidda hay’adaha caalamiga ah ee NGOs-ta, magaalawga baahsan, iyo saamaynta baraha bulshada. Isbeddelladan ayuu qoraagu ku tilmaamay inay meesha ka saareen qodobadii isku-tashiga, iyada oo ay beddeshay nolosha hadda ina ragaadisay ee gacan-hoorsashada iyo ku-tiirsanaanta kaalmooyinka dibadda, taasi oo gaadhay heer ay dadku dareemaan in aanay kaligood waxba qabsan karin.
Kulanka qaybtiisii dambe waxaa loo furay aqoonyahankii ka soo qayb-galay in ay weydiimo furan oo si toos ah ama si dadban ula xidhiidha mawduuca waydiiyaanqoraaga. Weydiimahaas oo u badnaa falanqayn, waxay taabanayeen sirta jiraalka dheer ee Candlelight, faahfaahinta qaar ka mid ah dhiganayaashiisa, aqoonta dhirta ee durugsan ee ustaadka iyo qaabkii ay ku timid, iyo saamaynta deegaanka. Ustaad Axmed ayaa ka jawaabista weydiimahaas ka dib, waxa uu madasha kaga dhawaaqay bushaaro weyn oo ah in uu dhammaystiray “Qaamuuska Dhirta Soomaalida” oo uu qoray, kaasi oo koobsanaya laba kun iyo shan boqol oo geed, noqon doonana kayd iyo tixraac anfac badan u yeesha bulshada iyo jiilasha soo socda.
Ugu dambayntii, qoraagu waxa uu dhallinyarada xiisaysa qoraalka u soo jeediyey talooyin dhaxalgal ah, isagoo ku dhiirrigeliyey inay ka faa’idaystaan inta ay xammaasaddu ku jirto, laakiin ay shardi tahay inay mawduuca si qoto dheer u diraaseeyaan ka hor intaanay qoraalka bilaabin. Wuxuu sidoo kale la wadaagay dadweynihii madasha fadhiyey sirta u sahashay inuu hawlo badan oo kala duwan isku mar wada maamulo, isagoo ku soo koobay maaraynta waqtiga, faduulnimada ama wax-baadhista joogtada ah, iyo inaan marnaba natiijada shaqada la degdegin ee loo samro midhaha. Kulankani waxa uu ka mid ahaa kulammada furan ee Xarunta RAAD ugu talogashay wax ku biirinta wacyiga bulshada, iyada oo lagu casuumayo khubarada baaca aqooneed iyo waayo-aragnimada weyn u leh qaybaha kala duwan ee nolosha, si khibradoodu dhallinyarada iyo bulshada kaleba ugu noqoto toosh ay ku iftiinsadaan dariiqa aqoonta iyo ogaalka.