Home / Publications / Somaliland and International Recognition
Publication

Somaliland and International Recognition

Somaliland and International Recognition

Isbeddellada waaweyn ee ka socda Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka BaddaCas ayaa si weyn u beddelay jihada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale eemandaqadda. Tartanka sii xoogaysanaya ee quwadaha caalamiga ah, kororkamuhiimadda marinada ganacsiga badda, heshiisyada cusub ee istiraatiijiga ah, iyoxaaladaha amni ee isbeddelaya ayaa Geeska Afrika ka dhigay meel si weynindhaha caalamku ugu jeedaan. Xaaladdan cusub ayaa abuurtay dood ballaadhanoo ku saabsan kaalinta ay Somaliland ku yeelan karto isbeddelladan, gaar ahaanmarka loo eego xasilloonideeda, goobta ay juquraafi ahaan ku taallo, iyo fursadahadiblomaasiyadeed ee ka dhalan kara isbeddellada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xarunta RAAD Center ayaa qabatay barnaamij aqooneed iyo falanqayn istiraatiijiah oo diiradda lagu saarayay mawduuca muhiimka ah ee “Somaliland and International Recognition: Historical Roots, Geopolitical Changes, and Future Prospects.” Kulankan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanno, dhallinyaro, cilmi-baadhayaal iyo daneeyayaal kala duwan, ayaa lagu lafaguray xididdada taariikheedee aqoonsi raadinta Somaliland, isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee GeeskaAfrika, iyo fursadaha iyo caqabadaha mustaqbalka ee horyaalla Somaliland.

Barnaamijku waxa uu qayb ka yahay dadaallada RAAD Center ay ku xoojinaysodoodaha cilmiyeed iyo fahamka siyaasadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Kulanka waxa hadallo iyo bandhigyo qoto dheer ka jeediyay Mohamed Abdirahman iyo Guleid Jama, kuwaas oo si xeeldheer u falanqeeyay doorkaistiraatiijiga ah ee Somaliland kaga jirto Geeska Afrika, gaar ahaan marka loo eegoisbeddellada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka. Mohamed Abdirahmanayaa diiradda saaray muhiimadda juquraafiyeed ee Somaliland iyo sida ay isubeddelayaan danaha quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka ee ku wajahan BaddaCas iyo marinada ganacsiga. Waxa uu tilmaamay in Somaliland leedahay fursadosii kordhaya oo ku saabsan iskaashi caalami ah iyo kobcinta doorkeedadiblomaasiyadeed.

Dhankiisa, Guleid Jama ayaa falanqeeyay caqabadaha iyo isku-dhacyadasiyaasadeed ee saamayn kara mustaqbalka aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oosidoo kale iftiimiyay fursadaha istiraatiijiga ah ee ka dhalan kara isbeddelladacusub ee gobolka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahaydhismaha hay’ado adag, xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta xasilloonida gudaha, iyo kobcinta xiriirrada caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka siyaasadeed eeSomaliland. Dooddiisu waxa ay abuurtay falanqayn qoto dheer iyo isweydaarsiaqooneed oo dhex maray kasoo qaybgalayaasha.

Ugu dambayntiina kasoo qayb galayaashii barnaamijka ayaaa suaalo iyo falanqaynku aaddan labada ciwaan kusoo gudbiyay madasha.