Home / Publications / RAAD Center oo Qabtay Barnaamij Lagu Falanqeeyay Buugga...
Publication

RAAD Center oo Qabtay Barnaamij Lagu Falanqeeyay Buugga Mugga Maamul Wanaagga

RAAD Center oo Qabtay Barnaamij Lagu Falanqeeyay Buugga Mugga Maamul Wanaagga

Xarunta RAAD oo Qabatay Barnaamij Lagu Falanqaynayay Buugga Mugga Maamul Wanaagga

 Xarunta Cilmibaadhista iyo Horumarinta Aqoonta ee (RAAD)  ayaa si rasmi ah u qabatay barnaamij aqooneed lagu falanqeeyay buugga Mugga Maamul Wanaagga, kaas oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, dhallinyaro, cilmibaadhayaal, iyo xubno kala duwan oo bulshada ka tirsan. Barnaamijkan baa qayb ka ahaa dedaallada xaruntu ku xoojinayso kobcinta aqoonta, doodaha bulshada, iyo fahanka arrimaha maamulka iyo hoggaaminta.

Fadhiga ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda maamul wanaaggu u leeyahay dhismaha haayado hufan iyo horumar bulsho. Intii uu socday barnaamijku, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay aragtiyaha iyo qodobbada muhiimka ah ee uu xambaarsan yahay buuggu, iyadoo la isdhaafsaday fikrado la xidhiidha maamulka, isla xisaabtanka, hoggaaminta wanaagsan, iyo doorka bulshada ee horumarka.

Barnaamijka waxaa ka hadlay falanqeeyayaal iyo aqoonyahanno kala duwan oo ay kamid ahaayeen Cabdisamad Xasan Maxamed (C. Sayid), Ridwaan Maxamed Ismaaciil, Cabdixamiid Maxamed Jaamac iyo Maxamed-wardi Haaruun Ibraahin. Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen aragtiyo iyo falanqaynno ku saabsan sida fikradaha buugga loogu dabbaqi karo xaaladaha dhabta ah ee mujtamaca iyo haayadaha bulsheed.

 

Sidoo kale, goobta falanqaynta buuggu ka socotay waxa lagu soo bandhigay nuqullo kamid ah buugga, si qofkii u baahani u heli karo ama u iibsan karo.