Is baddelka xawaaraha sare ku socda ee Tiknoolajiyadda, hab u aragga bulshooyinka ee waqtiga iyo duruufuhu xaddidayaan, saamaynta caalamku isku leeyahay iyo afkaarta aadamuhu khibradda iyo tijaabada ku dhaxlayaa, waxa ay si qofaysan iyo si wadajir ahba u beeraysa baahida loo qabo xarumo aqoon, fikir iyo cilmi-baadhis ku hoggaamiya fahamka caqabadaha jira iyo dhisidda aragtida mustaqbalka lagu wajahayo.
RAAD Center waxa ay u dhalatay in ay wax ka buuxiso baahidaas, noqoto madal ay ku kulmaan aqoonta, doodaha wax dhiska ah iyo aragtiyaha dib-u-habaynta bulshada. Xaruntu waxa ay ku hawlan tahay kobcinta garaadka, dhiirrigelinta fikirka qotada dheer iyo soo saarista aqoon wax-ku-ool ah oo horseedi karta horumar iyo isbaddel dhinacyada kala duwan ee nolosha ah.
RAAD Center waa xarun madax-bannaan oo u taagan soo saarista fikir, aqoon iyo cilmi-baadhis bulshada anfaca. Xaruntu waxa ay rumaysan tahay in bulsho kasta horumarkeedu ka bilaabmo aragti hagaagsan iyo ficil toosan oo lagu wajaho xaaladaha iyo duruufaha jira, si xal dhab ah looga gaadho dhibaatoooyinka kala duwan ee bulshooyinka ragaadiyay.
Dhinacyada iyo dhabooyinka ay u marayso Xaruntu baadhista xalka dhibaatooyinka iyo ka qaybqaadashada horumarka waxa kow ka ah, dhabada Cilmi-baadhista, oo lagu daray abaabulka iyo qabashada Tabobaro anfac leh, kulamo aqooneed, madallo dood furan wata, warbixinno cilmiyeed iyo xogsidayaal kor u qaadaya fahamka bulshada.
Xaruntu waxa ay sidoo kale dhiirrigelinaysaa hal-abuurka dhalinyarada iyo kobcinta dhaqanka aqoonta ku dhisan, si loo abuuro fac leh himilo, masuuliyad iyo awood uu kaga qayb qaato dhismaha laamaha kala duwan ee bulshada.